Tun Mahathir Mohammad


YARAANTII & BILAWGII SAFARKA

Tun Mahathir Muhammad waxa ku dhashay Alor Setar, Kedah, sanadkii 1925kii. Waxaa dhalay Muhammad Iskandar oo macallin iskuul ahaa. Mahathir waxa uu bilaabay in uu ku xirnaado xalqooyinka madaarista, waxa uuna bartay naxwaha carabiga. Kadib waxa uu bilaabay waxbarasho formal ah isaga oo ku guuleystay deeq waxbarasho oo uu ka helay iskuul Afka English-ka wax lagaga dhigo.

Xiligii uu socday dagaalkii 2’aad ee adduunka, Malaysia waxaa qabsaday dalka Japan waxaana waqtigaas la xeray iskuuladii dalkaas. Mahathir Muhammad waxa uu bilaabay in uu wadooyinka dalkaas ku iibiyo shaah, cabitaan iyo qudaar si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa.

Dagaalkii 2’aad ee adduunka kadib waxbarashadii ayuu dib ugu laabtay. Dugsigii sare waxa uu kaga baxay dhibco aad u sareeya, waxeyna arrintaasi keentay in uu awood u yeesho in sanadkii 1947kii uu ku biiro King Edward VII College of Medicine oo hadda ah qeyb kamid ah Jaamacadda Umadda Ee Singapore. Halkaas ayuuna kula kulmay xaaskiisa Siti Hasmah Muhammad oo ay Jaamacaddaas isla dhigan jireen.

SIYAASADDA & MAAMULKA

Mahathir markii uu dhameeyay King Edward VII College of Medicine waxa uu bilaabay inuu ku shaqeeyo cilmigii uu soo bartay. Dhowr sano ayuu ahaa dhaqtar dowladeed iyo dhaqtar gaar ahba. Magaaladii uu ku dhashay ayuu ka furtay xarun caafimaad, waxuuna noqday dhaqtarka kaliya ee qowmiyadda Malayga kasoo jeeda ee magaaladaas xarun caafimaad ka furtay.

Qowmiyadaha Hinduuga iyo Shiinaha ayaa awood maamul iyo mid aqoonba ka sareeyay qowmiyadda Malayga oo ah qowmiyadda uu Mahathir kasoo jeedo. Xuquuqda Malayga waa ay ka hooseysay xuquuqaha qowmiyadaha Hindida iyo Shiinaha. Arrintaas ayuu bilaabay inuu ka dhiidiyo Mahathir, balse ma jecleyn inuu qowmiyahdaha kale dulmiyo. Wada noolaansho ayuu ahaa hal-ku-dhiggiisa.

Waqtigii uu iskuulka & jaamacadda dhigan jiray waxa uu tageeri jiray xisbi lagu magacaabo United Malays National Organization oo ay ku midoobeen dadka Malayga ah. Xisbigaas ayuu ku biiray, si dhaqso ahba waxa uu noqday xubin firfircoon. 1964’kii waxa uu noqday ‘Senator’ laga soo doortay magaaladii uu ku dhashay.

Waxaa sare u kacay is-naceybka u dhexeeyay Shiineyska iyo Malayga dalkaas, waxaana la dilay boqolaal qof. Mahathir waxa uu warqad furan oo eedeyn iyo dhaleeceyn ah u qoray Raisul Wasaarahii xiligaas, arrintaas ayaa keentay in 1969’kii Mahathir laga saaro xisbigii uu ka tirsanaa.

Isla sanadkii ku xigayba Mahathir waxa uu qoray buug lagu magaabo ‘The Malay Dilemma’ oo noqday buug muran dhaliyay dad badanna hurdada ka kiciyay. Waxuu buuggiisa ku soo bandhigay sida loo xaqiro xuquuqda dadka Malayga ah. Balse Raisul Wasaarahii xiligaas ayaa mamnuucday in buuggaas la iibiyo!

1973’kii Mahathir Muhammad waxa uu kusoo laabtay siyaasadda kadib markii la garwaaqsaday dhaliilahii uu soo jeediyay iyo ololahii xuquuq raadiska ahaa ee uu waday. Markale ayuu xildhibaan noqday. 1974’kii waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Waxbarashada ee dalkaas.

RA’ISUL-WASAARAHA MALAYSIA

Mahathir waxuu u tartamay inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka xisbiga United Malays National Organisation wuuna ku guuleystay. Guushaas ayaa u suura-gelisay inuu noqdo Raisul-Wasaare ku xigeenka dalkaas.

Sanadkii 1981’kii waxuu noqday Raisul Wasaaraha dalka Malaysia, labadii sano ee ugu horreysay waxa uu cadaadis kala kulmay reerkii xilkaas hayn jirtay balse waxa uu kaga gudbay siyaasad wanaag iyo hoggaanimo.

Dhaqaalaha dalka Malaysia waxa uu geeyay meel aysan ku hamineynin dadkiisa in ay gaaraan. Waxa uu isku soo dhaweeyay quluubta qowmiyadaha kala duwan ee daga dalkaas. Waxaana Malaysia u furmay bog cusub oo ay jeclesteen dadka dalkaas. Indhaha caalamka ayaa aamini waayay horumarka iyo wadada cusub ee ay qaaday Malaysia. Waqti xaadirkan waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah dalalka ugu dhaqaale kobaca badan dunida.

Xilkaas culus waxa uu hayay muddo 22 sano ah. Sanadkii 2002 ayuu go’aansaday in uu xilka Raisul Wasaarenimo iska casilo balse mudaaharaadyo iyo banaan-baxyo arrintaas looga soo horjeedo ayaa gilgilay dalka Malaysia. Mahathir Muhammadna waxa uu go’aansaday in uu hal sano oo dheeraad ah sii hayo xilkaas. Sanadkii 2003 ayuuna xilkaas ka dagay.

Mahathir waa Raisul Wasaarahii ugu waqtiga dheeraa ee dalka Malaysia soo mara, 22 sano ayuu dalkaasi xakumayay.

SHAQSIYADDIISA

Mahathir Muhammad waa qoraa leh in-ka-badan 16 buug. Waa hoggaamiye dalkiisa u horseeday horumar la taaban karo. Waa shaqsi ay ku faanaan dadka reer Malaysia. Waa shaqsi Muslim ah oo Islaamnimadiisa ku faaana. Mar wax laga weeydiiyay qalalaasaha iyo dagaalada wadamada Muslimiinta ah ka taagan ayaa waxa uu ku sababeeyay in ay ka fogaadeen ku dhaqanka diinta Islaamka,

HADALADII MAHATHIR

1. “Taariikhdu waxey u diiwaangelin doontaa Bush & Blair in ay yihiin dilaayadii caruurta ama Madaxweynahii (Bush) & Raisul Wasaarahii (Blair) beenta badnaa”.
2. “Reer Yurub (Reer Galbeedka) waxey laayeen 6 Milyan oo Yahuud ah, balse maanta Yahuudda ayaa dunida xukunta. Waxey heshay dad iyada darteed u dhinta iyo dad u dagaalama”
3. “Waxaan u baahannahay mucaarad na xasuusiya qaladaadka aan sameyneyno. Haddii aan lagu mucaaradin waxaad u maleyneysaa wax-walba oo aad sameyneyso in ay saxanyihiin”

Comments

Popular Posts