Jack Ma


YARAANTII & BILAWGII SAFARKA

Jack Ma waxa uu ku dhashay magaalada Hangzhou ee dalka Shiinaha sanadkii 1964’kii. Waxaa dhalay hooyo iyo aabo xirfad faneed lahaa oo aan hanti badan dunidan ka sameyn. Jack Ma markii uu yaraa waxa uu aad u jeclaa inuu barto Luuqadda English-ka. Mar walbana waxaa uu ku dadaali jiray sidii uu ku baran lahaa.

Intii uu waxbarashada aasaasiga ah ku jiray iyo marka uu dugsiga sare dhameeyayba waxa uu tagi jiray hoteel u dhaw halkii uu daganaa oo ay dad ajaanib ah imaan jireen si uu heerka English-kiisa uu u hormariyo. Markii dambe waxa uu bilaabay inuu hago dadka ajaanibta ah ee dalxiiska u iman jiray magaalada Hangzhou.

10 MAR AYEY HARVARD UNIVERSIRY DIIDAY!

Jack Ma markii uu dugsiga sare dhameeyay ee uu luuqada English-ka bartay waxuu 10 jeer codsaday inuu arday ka noqdo Jaamacadda Harvard balse 10’kii marba waa ay soo diiday codsigiisii.

Markii ugu horreysay ee shirkadda KFC ay xarun ka furatay dalka Shiinaha Jack Ma waxuu kamid ahaa 24 qof oo shaqo ka codsatay, 23 qof ee kala waa la aqbalay codsigoodii. Jack Ma ayuu ahaa qofka kaliya ee la diiday inuu u shaqeeyo KFC.

Mar kale waxuu codsaday shaqo ciidanimo, isaga iyo 5 qof kale ayaa wareysiga shaqada lagu casuumay. Shantii qof ee kale waa la shaqaaleysiiyay, Jack Ma ayaa noqday qofka kaliya ee shaqadaas aan nasiibka u yeelan.

Ugu dambeyntii Jack Ma waxa uu ku biiray Machadka Tababarka Macalimiinta Ee Hangzhou, isla Machadkaas ayuu shahaadada heerka 1’aad ka qaatay isaga oo bartay Luqadda English-ka.

SAFARKII USA & WAAYO-ARAGNIMADII JACK

Sanadkii 1995’kii ayuu Jack Ma yimaaday dalka Mareykanka markii ugu horreysay isaga oo qeyb koox dowladda Shiinaha ka socotay oo mashruuc waddo dhisid ah u yimid dalka Mareykanka.
Nin ay isla shaqeynayeen xafiiskiisa ayuu booqday oo ku yaallay magaalada Seattle ee dalka Mareykanka. Ninkii saaxiibka ay ahaayeen ayaa dhahay “Sxb Jack, internet ma u baahantahay?” Jack Ma oo aan internet garaneynin ayaa ku jawaabay “Waa maxay internet?”

Jack oo dhacdadan ka sheekeynaya ayaa sheegay in saaxiibkiis uu baray waxa la yiraahdo internet. Waxuu kaloo intaasi raaciyay in uu ka cabsanayay Computer-ka inuu jebiyo sababtoo ah dalka Shiinaha waqtigaas computer-ka qaali ayuu ka ahaa oo dad yar oo la yaqaano ayaa haysan jiray.

Jack Ma saaxiibkiis waxa uu Jack Ma ka codsaday in uu internet-ka wax ka raadiyo. Jack eraygii ugu horreeyay ee uu weydiiyay internet-ka waxa uu ahaa “Bear” oo ah bahal dilaa ah oo eeyga u eg kana dhogor badan. Jack waxuu internet-ka ka arkay sawirada “Bear” ku kala nool wadamo kala duwan, balse waxa uu waayay mid ku nool Shiinaha.

Markaa ayuu saaxiibkiis weydiiyay “Saaxiib Bear Shiinaha ku nool sawirkiisa uma jeedee maxaa dhacay” Saaxiibkii ayaa ugu jawaabay “China weeydii internet-ka!” Jack Ma markii uu internet-ka ku qoray “China” waxaa usoo baxday “There is no data!” taas oo macnaheeda ah wax Shiinaha ku saabsan internet-ka lama soo gelin!

Jack Ma arrintaas waa u cuntami waysay. Yarkii saaxiibkiis ayaa ayuu ka codsaday inuu Website u sameeyo si xog ku saabsan Shiinaha looga helo internet-ka. Waana sameeyeen.
Maalintii ugu horreysayba waxaa usoo dhacay 5 email oo dad kala duwan oo daafaha caalamka ah ay usoo direen maadaamaa xog dalka Shiinaha ku saabsan aysan weligood arkin.

Ninkii markii uu arkay Emailadii usoo dhacay waxuu wacay Jack Ma oo waxuu ku yiri “Saaxiib Jack, waxaa naloo soo diray 5 Email” Jack Ma oo iska daacad ahaa ayaa ku jawaayay “Saaxiib Email maxaa la dhahaa?” wada sheekeysi yar kadib Jack Ma waxa uu usoo cararay xafiiska si uu emailka u arko.

Markii uu aqriyay emailadii loosoo diray, waxa uu arkay in meeshaas ay fursad dad badan lagula xiriiri karo lacag badanna laga sameyn karo in ay tahay. Jack Ma oo hadda ah ninka ugu lacagta badan dalka Shiinaha waxa uu leeyahay shirkadda ‘Ali Baba’ oo kamid ah shirkadaha ugu caansan dunida ee internet-ka wax ku iibiya.

“Markii aan ganacsigan bilaabayay dhammaan bangiyada Shiinaha waa ay diideen in ay ii maalgeliyaan, balse maanta iyaga ayaa rabo in ay ganacsigeyga lacag ku darsadaan balse aniga ayaan dooneynin” –Jack Ma

Ninkii 10-ka mar ay Jaamacadda Harvard soo diiday ee KFC ay shaqada u diiday ee hadane askarinimo codsaday hadane la diiday, maanta waxa uu ku jiraa dadka ugu hantida badan dunida. Waana ninka ugu dhaqaalaha badan dalka Shiinaha

BILADAHII & ABAALMARINADII JACK

1. Sanadkii 2004 Teleefishinka Qaranka Shiinaha ayaa u aqoonsaday inuu kamidyahay 10 hogaamiye ganacsiyeed ee sanadkaas
2. Sanadkii 2005, Jaraaidka Business Week ayaa u gudoonsiiyay Abaalmarinta Ganacsadaha Sanadka
3. Sanadkii 2009 Jaraaidka ‘Time Magazine’ ayaa kusoo daray Liiska 100-ka qof ee ugu saameynta dunida
4. Isla sanadkii 2009 Jack Ma waxa uu Abaalmarinta Shaqsiga Sanadka ka helay CCTV
5. Sanadkii 2014 Shabakadda Forbes ayaa u aqoonsatay Jack Ma shaqsiga 30’aad ee ugu saameynta (ganacsi) badan dunida.
6. Sanadkii 2015, waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Hal-abuurka Ganacsi ee qaaradda Aasiya ee sanadka 2015.

Comments

Popular Posts