Dr. A.P.J. Abdul Kalam


YARAANTII & BILAWGII SAFARKA

A.P.J. Abdul Kalam waxa uu ahaa Muslim ka dhashay qoys Muslim ah sanadkii 1931’kii. Aabahiis waxaa la oran jiray Jainulabudiin, Waxuu lahaa doon ganacsi halka hooyadiisna ay guri joog ahaan jirtay. Afar caruur ah oo la dhalatay ayaa ka weynaa Abdulkalam. Inkasta oo awooweyaalkii ay ahaayeen dad hanti leh, balse markii Abdulkalam uu dhalanayay reerka wax hanti ah ma laheyn.

Abdulkalam markii uu soo hana-qaadayba waxa uu bilaabay inuu suuqa ku iibiyo jaraa’idyada (joornaalada) si uu biilka reerka uga qeyb-qaato. Qoyskiisa hanti badan ma aysan haysan hadane waxa ay ahaayeen qoys farxad iyo gal-gaceyl badan uu dhexyaallo, farxadda ay haystaan ayaa iloowsiin jirtay daruufahii haystay.

Dugisga sare ee Schwartz ayuu ku dhameeyay waxbarashii aasaasiga aheyd. Intii uu iskuulkaas dhiganaayay ayey macalimiintiisii dareemeen in Abdulkalam uu yahay wiil yar oo hami sare leh. Isla xiligaas waxuu jeclaaday in uu noqdo/barto duuliyenimo (pilot).

Kadib waxuu ku biiray Jaamacadda Saint Joseph isagoo iska diiwaangelyay Kulyadda Cilmiga Seyniska, sanadkii 1954’kii ayuuna ka qalinjebiyay jaamacaddaas. Si uu uga dhabeeyo riyadiisii duuliyenimo (pilot) waxuu u safray gobolka Madraas si uu Machadka Tiknoolijiyadda Madraas uga soo barto Aerospace Engineering. Sanadkii 3’aad markii uu marayay ayaa waxaa loo dhiibay mashruuc lagu naqshadeynayo diyaarad dagaal, waa uuna ku guuleystay. Abdulkamal aad ayuu u jeclaa inuu noqdo duuliye balse riyadiisii uma suurogalin in uu xaliyo.

SEYNISYAHAN

Sanadkii 1958’kii Abdulkalam waxuu seynisyahanimo uga shaqo bilaabay Cilmi-baarista Wasaaradda Difaaca iyo Horumarinta. Halkai lixdameeyadiina uu ka shaqo bilaabay Gudiga Cilmibaarista Qaranka Hindiya ee Dayaxgacmoodka iyo Cirjiirka (DRDO). Abdulkalam waxuu ku guuleystay inuu sameeyo naqshadda diyaarad yar oo ah nooca dagaalka.

1963-64’kii waxuu booqday xarumaha NASA ee Virginia iyo Maryland. Halkaas ayuu hadane Abdulkalam kasoo karaar qaatay waxa uuna bilaabay mashruuc dayax gacmood lagu sameynayo. Abdulkalam kuma qanacsaneyn ka shaqeynta DRDO, waxaana loo wareejiyay Hay’adda Cilmigabaarista Dayaxgacmeedyada ee Hindiya. Qaar kamid ah guulahiisii ugu weynaa halkaas ayuu ku gaaray, waxuuna qeyb ka ahaa seynisyanadii diray dayaxgacmoodkii ugu horreeyay ee Hindiya ay hawada u dirto.

Todobaatameeyadii ayuu bilaabay Abdulkalam mashruuc weyn 1993’kii u suurageliyay in dowladda Hindiya ay dirto Remote Sensing Satellite-kii ugu horreeyay. Arrintaas ayaa kamid ah waxyaalaha dadka Hindiya ay ku xasuusan doonaan halyeey Abdulkalam.

MADAXWEYNAHA DALKA HINDIYA

Abdulkalam waxuu ku guuleystay inuu helo quluubta dadkiisa, waxuuna usoo hooyay guulo badan oo la-taaban karo. Howlkarnimadiisa ayaa u suurogelisay inuu soo galo siyaasadda. Waxuuna ka gadmay dadweynaha iyo siyaasiyiintaba.
Sanadkii 1992’kii ayaa Abdulkalam loo magacaabay inuu noqday la-taliyaha Wasiirka Difaaca ee dalka Hindiya. Sanadkii 1999’kii waxaa loo magacaabay la-taliyaha dhinaca Cilmiga iyo Cilmibaarista ee Dowladda Hindiya.

Dhammaadkii Sagaashameeyadii, Abdulkalam waxuu kaalin lixaad leh ka qaatay horumarintii iyo tijaabintii hubka Nuclear-ka ee dowladda Hindiya. Raisul Wasaarahii Hinidya ee waqtigaas ayaa ku dhawaaqay in dowladda Hinidya ay tahay dowlad leh hubka Nuclear-ka. Abdulkalam waxaa loo aqoonsaday inuu yahay “Geesiga Qaranka”.

Sanadkii 2002, xisbiga National Democratic Alliance oo talada dalka hayay ayaa waxey Abdulkalam u doorteed inuu noqdo Madaxweynaha xiga ee dalka. Labadii xisbi ee macaaradka ahaa ayaa iyagana taageeray Abdulkalam maadaamaa uu yahay nin dalka Hindiya wax badan u taray. Sidaas ayuuna ku noqday Madaxweynahii 11’aad ee dalka Hinidya, waxuuna xilkaas hayay mudadii u dhaxeysay 2002 illaa iyo 2007.

KADIB MADAXWEYNIMADII ABDULKALAM

Abdulkalam markii uu ka dagay xilka Madaxweynenimo waxa uu bilaabay inuu xisooyin ka bixiyo jaamacadaha dalkaas si dadkiisa uu ugu faaideeyo cilmigii uu bartay. Indian Institute of Management ayuu xisooyin ka bixin jiray. Dhallinyarta iyo dadka hamiga leh ayuu ku dhiirrogelin jiray in dalkooda ay hormariyaan.

Sanadkii 2012 waxuu mashruuc la yiraahdo 'What I Can Give Movement' oo ahaa olole dhallinyarta Hindiya uu ku wacyigelinayay in ay caado ka dhigtaan waxbixinta iyo naf-u-huridda dalka iyo dadka. Waqtigiisii ugu badnaa waxuu ku bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa illaa uu wadno xanuun la-dhacay isaga oo muxaadaro ka jeedinaya Indian Institute of Management sanadkii 2015.

SHAQSIYADDII ABDULKALAM

1. Waxuu ahaa Muslim ku dhaqma diintiisa, sidoo kalena ixtiraama dadka diimaha kale haysta.
2. Waxuu ka dhashay qoys faqiir ah, wadooyinka ayuu joornaalada ku iibin jiray. ugu dambeyntii madaxweyne ayuu noqday.
3. Waxuu ahaa qoraa leh in ku dhaw 10 buug

BUUGAAGTII ABDULKALAM

1. India 2020: A Vision for the New Millennium
2. Wings of Fire: An Autobiography
3. Ignited Minds: Unleashing the Power Within India
4. The Luminous Sparks
6. Inspiring Thoughts
7. You Are Born To Blossom: Take My Journey Beyond
8. Turning Points: A journey Through Challenges 
9. A Manifesto for Change: A Sequel to India 2020
10. Transcendence: My Spiritual Experiences with Pramukh Swamiji

Comments

Popular Posts