Cat Stevens - Yusuf Islam


BILAWGII SAFARKA

Cat Stevens waxa uu ku dhashay Magaalada London sanadkii 1948kii. Dadka reer galbeedka ah ee fanka, muusigga iyo suugaanta u dhuun-daloola aad bey u garanayaan Cat Stevens. Heesahii dhowr sano oo isku xigxiga ayey noqdeen heesaha loogu jaceylka badnaa waqtigiisa. Albunadiisana waxa ay noqdeen kuwa loogu jaceylka badna dalka Ingiriiska iyo wadamada luqadda Englishka ku hadla intii u dhaxeysay bilawgii iyo lixdamaadkii iyo dhamaadkii todobaatanaadkii.

Waxa uu noqday heesaa tusaale u noqday dadkii la tartamayay, waxa uu martabad sare ka gaaray fanka. Waxa uuna noqday tilmaan gaar ah oo fanka macno u sameeyay. Aan u daayo Cat Stevens in uu inooga sheekeeyo safarkii dheeraa ee noloshiisa iyo sidii uu ku noqday Yusuf Islam:

“Waxaa leygu soo barbaariyay nolol barwaaqo iyo raaxo badan. Waxaan ka dhashay qoys haysta diinta Kirishtanka. Waxaa la ii sheegay in uu ilaah jiro, balse Eebbahaas lama laheyn xiriir toos ah – oo waxaa inoo dhaxeyn jiray Jesus (Ciise), waxa uuna ahaa albaabka kaliya ee ilaah loo maro, inkasta oo shaqsiyan ay marnaba ii cuntamin.

Waxaan fiirfiirin jiray sanamyo la qoray oo Ciise lagu sheegay, haseyeeshee dhagaxaanta waxba kama duwaneyn. Naf malaha oo dhaq-dhaqaaqo. Waxaase iigu sii darneyd marka ay i yiraahdaan Eebbe waa sadex hadane hal ah. Weligey igama dhaadhicin hadane waa aan xushmeyn jiray.

FANAAN WEYN AYAAN NOQDAY

Markii aan ku wareeray isbarbar-dhigga caqligeyga iyo diintii waalidkeyga, waxaan bilaabay in aan is-mashquuliyo. Waxaan jeclaaday oo rabay in aan noqdo fannaan weyn. Waxaa marwalba iiga muuqan jiray shaashadaha fannaaniin waaweyn oo dadka dhan ay daba-cararayaan oo hanti badanna ka sameynaya fanka. Caanimo iyo lacag ayaa noqday eebbaha kaliya ee aan lahaa.
Waxaan goaansaday in aan lacag iyo caanimo aan raadiyo. Waxaa tusaale ii ahaa Pop Stars-ka (fanaaniinta caanka ah). Waxaan bilaabay fanka, balse mar walba waxaa qalbigeyga ku jiray in aan hanti ka sameeyo oo aan dadka ku caawiyo. Sababtoo ah markii horeba waxaan u galay in aan isku mashquuliyo.

Muddo kooban kadib waxaan noqday qof can ah, waxaan ahay weli qof da’yar. Magaceyga iyo sawiradeyda ayaa ku xardhan warbaahinta oo dhan. Hablaha iyo dhallinyarta oo dhan heesaheyga ayey ku luqeynayaan. Waxaan ka baxay nolosha caadiga ah. Waxaan awoodi kari waayay in aan ku noolaado noloshaas si aan u awoodo waxaan bilaabay in qamri iyo daroogooyin kala duwan aan isticmaalo.

CISBITAALKA DHEXDIISA

Kadib sanado badan oo aan hanti sameeyay oo aan ku noolaa nolol qurux badan, hadane mugdi ah. Waan xanuunsaday, waxaa leyga helay cudurka TB, waxaana ley dhigan cisbitaal. Markaas ayey aheyd markii aan bilaabay in aan fekero.

Maxaa igu dhacay? Ma jir kaliya ayaan ahay? Hadafkeyguna ma in aan jirkan u raaxeeyaa? Waxaan dareemayaa in xanuunkaas uu ahaa mid baraare ii horseeda, waxaana dareemay in uu ii ahaa fursad aan nafteyda dib ugu xisaabiyo. Waxaan bilaabay in aan suaalo badan is weydiiyo intii aan ku jiray cisbitaalka.

Waqtiyadaas, waxaa aad loo hadal-hayay sheekooyinka ku saabsan diimaha Hinduuga ah & Buudiistaha. Waxaan bilaabay in aan wax ka aqriyo diimahaas, wixii ugu horreeyay aan ka bartayna waxaa kamid ahaa dhimashada iyo waxyaalaha la xiriira. Waxaan bilaabay in aan aamino waxyaalaha ay aaminsanyihiin qaar kamid ah.

Waxaan bilaabay in aan dhacdo walba oo nolosheyga kamid ah ay suaalo igu dhaliso, waxaan dareemayay in meel fiican la ii wado, waxaan dareemayay in aan runta usii dhawaanayo.

Markaa waan ka quustay oo waa ay ii dhadhami waysay diinta aan haysatay, waxaan dib ugu laabtay heesaha. Balse si ka duwan sidii hore. Waxaan bilaabay in aan heeso ka sameeyo raaraadinta wadada saxda ah iyo shakiga qalbigeyga ku jiro. Waxaan noqday fanaan dareenkiisa cabira.

Kadib waxaan sii noqday fanaan caan ah, duniga oo dhan ayaa i baratay. Qalbigeygana waa uu gubanayay, waxaan dareemayay in ay jirto nolol iftiin iyo nuur badan. Balse dadka heesaheyga qiirada badan ayey madaxa la ruxi jireen.

WALWAL & DHAMAADKII WALWALKA

Mar qalbigeyga waxa uu isiiyaa in aan noqdo Buddhist oo aan qaato diinta Buddism-ka, balse diyaar uma aheyn in aan dadka ka go’o oo aan bulshada ka dhex baxo. Diimo badan ayaan ku fekeray in aan qaato, sababtoo ah marba mid ayaa run iila ekaaneysay, balse waxaa jiray wax iga hortaagnaa. Xataa diintii Kirishtanka ayaa aan is iri amaad dib u fiirisaa!

Waqtigaas diinta Islaamka waxba kama aqoon. Walaalkey ayaa booqasho ku tagay masjidka Aqsaa, waxa uuna halkaas ku soo arkay dad u cibaadeysanaya si ka duwan diimaha uu horay u arkay. Waxa uu soo arkay dad daganaansho nafeed ay ka buuxdo.

Markii uu London kusoo laabtay ayuu hadiyad iigu keenay Kitaabka Quraanka ah oo luuqadda Englishka ku tarjuman. Isagu markaa ma islaamin, balse waxa uu ogaaday in ay wax cajiib ah ku qoranyihiin halkan.

Waxaan bilaabay in aan si niyad ah u aqriyo oo aan qalbi furan ku aqriyo, illeyn oon badan ayaan qalbiga ka dareemayaye. Waxaan arkay in Quraanka uu ka jawaabayo suaalo fara-badan oo aan muddo badan is weydiinayay. Qalbigeyga waxa uu bilaabay in uu furmo oo ay naxariis badani gasho, waxaan dareemayay in aan nolol kale oo iftiin wadata aan sii galayo. Umaan baahan in qof kale wax ii sheego, wax walba Quraanka ayaan ka ogaaday. Waxaan qiray in aan helay wadadii runta aheyd. Waxaan fahmay in Islaamku aanu aheyn sida reer galbeedka ay u fahamsanyihiin.

Kitaabka aan aqrisanayay ayaa i baray in Nabiyadii horay loo soo diray oo dhan ay hal farriin ah wadeen. Waxaan ogaaday in Yahuudda ay aqbali waayeen farriintii Nabi Ciise, waxaan kale oo aan ogaaday in Kirishtanka ay si qaldan u fahmeen Nabi Ciise.
Quraanka markii aan sii aqriyaba waxaan ogaadaa macaanka ku jira dhexdiisa: waxa uu ka hadlayaa doco, naxariis, cibaado, dambi dhaaf, sadaqo iyo is-caawin.

GO’AAN AYAAN GAARAY

Weli cid umaanan sheegin arrinteyda. Waxaa iga tan batay oo qalbigeyga uu xajin waayay quruxda, macnaha iyo awoodda aayadaha Quraanka. Waxaan go’aansaday in aan soo aado Masjidka Aqsaa oo aheyd halka walaalkey uu ka keenay Kitaabka. Markii aan galay Masaajidka nin ayaan i weydiiyay waxa aan doonayo, waxaan ku iri “waxaan ahay qof Muslim ah” waxuu kale oo uu i weydiiyay magaceyga, waxaan ku iri “Stevens”. Ninkii odayga ahaa waa igu wareeray, waxaa u cuntami waayay magaceyga iyo diinteyda.

Waxaan kusoo laabtay magaalada London, waxaan la kulmay gabar Nafisa lagu magacaabo waxaana u sheegay in aan doonayo in aan diinta Islaamka qaato. Waxa ayna ii tilmaamtay Masaajidka New Regent ee magaalada London ku yaalla. Waxa ay aheyd sanadkii 1977kii markii maalin Jimco ah aan u tagay Imaamka Masaajidkaas si aan Shahaadada ugu dhawaaqo.

Runtii waxa ay aheyd guul aan rafaad iyo dhib badan usoo maray. Yaraanteydii illaa iyo aan ka islaamo qalbiga waxa uu ii tilmaami jiray in ay jirto wax run ah oo muhiim ay tahay in aan ogaado, hadane ma ogeyn xaqiiqda illaa aan Quraanka Kariimka ah aan ka helay. Diinta Islaamka uma baahno in qof walba uu yeesho xiriiriye u dhaxeeya ilaah iyo addoomadiisa illaaah qof walba waa uu maqlaa, waana waxa ay kaga duwantahay diimaha kale”' -Yusuf Islam

Markii uu soo Islaamay kadib, waxa uu badashay magaciisa waxa uuna baxsaday Yusuf Islam. Sida aan sheekadiisa ka dheehan karnaba Yusuf Islam waxa uu awood u lahaa inuu u safro dhulka Israel ay xoogga ku haysato iyo dhulka Falastiiniyiinta. Waxa uu bilaabay in uu dib ugu laabto dhulka Falastiiniyiinta uuna saacido. Waxaa kale oo uu bilaabay in diinta Islaamka uu ka dhex faafiyo Israel dhexdeeda, waxa uuna soo Islaamiyay Yahuud fara-badan illaa markii dambe Israel ay soo musaafurisay.

Yusuf Islam intaas kuma ekaan, waxa uu sii waday in Yahuuda Israel joogto uu internet-ka kala xiriiro oo uu halkaas dacwada kasii wado.
Marka laga soo tago dadaaladaas, waxa uu joojiyay heesahii uu qaadi jiray ee jaceylka iyo dhalanteedka ku saabsanaa. Waxa uuna bilaabay in uu luqada Cariba iyo Diinta baro carruurta aan aqoon luqada Carabiga. Waxa uuna leeyahay heeso badan oo aan muusik laheyn oo uu kaga hadlayo wixii soo maray iyo nolosha hadda uu ku jiro.

“Eebbe ayaan ku mahdinayaa ee i tusay xaqa (Islaamka) ka-hor inta aan la kulmin Muslimiinta. Aniga oo aan la kulmin qof Muslim ayaan fahmay diinta oo aan qaatay. Quraanka ayaan aqriyay marka hore, waxaana ogaaday inuusan jirin qof dhameystiran balse Islaamka uu dhameystiranyahay” -Yusuf Islam oo ah aasaasaha hay'ad kheyri ah oo si sharci ah uga howlgasha UK laguna magacaabo Yusuf Islam Foundation.

Comments

Popular Posts