Recep Tayyib Erdogan



YARAANTII & BILAWGII SAFARKA

Recep Tayyib Erdogan waxa uu ku dhashay magaalada Istambul, Turkey, February-26-1954kii. Aabahiis waxa uu ka tirsanaa ciidanka badda ee dalka Turkiga. Markii uu 13-jirsaday Erdogan reerkiisa waxey daganaayeen Kasimpasa-Istambul, waxa uuna bilaabay Erdogan in uu Istambul cabitaan ku iibiyo si uu nolol maalmeedka qoyska uga qeyb-qaato.

1965kii, Dugsiga Hoose Ee Kasimpasa Piyale ayuu dhameeyay. Dugsiga Sare ee Ayuub ayuuna ka qaatay shahaadada dugsiga sare. Sanadkii 1981kii ayuu shahaadada heerka 1’aad ka qaatay Aksaray School of Economics and Commercial Sciences ee Jaamacadda Marmara.

CIYAARAHA & ARRIMAHA BULSHADA

Erdogan hibooyinka gaarka ah ee uu lahaa waxaa kamid ah ciyaarista kubadda cagta. Aad ayuu u ciyaari jiray, waxaana loo soo daawasho tagi jiray garoomada marka uu dheelayo. 
Waxa uu dalab ka helay koox waqtigaas magac weyn ku laheyd Turkiga, balse waalidkiis ayaa u diiday sii wadista kubadda cagta. 1969-1982kii ayuu ciyaaraha kubadda cagta ku jiray.

Waqtigii uu Jaamacadda Marmara dhiganayay waxa uu xubin ka noqday Midowga Ardayda Qaranka Turkiga, halkaas ayuuna ka bilaabay hamiga hoggaanimo iyo u adeegista bulshada. 
Ururo dhallinyaro ayuu soo hoggaamiyay. Sanadkii 1976kii waxa uu noqday madaxa Xisbiga National Salvation, garabka dhallinyarada, ee dagmada Beyoğlu, isla sanadkaas ayuuna noqday madaxa garabka dhallinyarada ee Xisbiga National Salvation Party ee magaalada Istambul.

SIYAASADDA & JAGOOYINKII UU QABTAY

Ururada ardayda iyo Xisbiga National Salvation gaar ahaan garabkiisa dhallinyarada ayaa Mr. Erdogan u fududeeyay in uu siyaasadda soo galo. Inta uusan raisul-wasaaraha noqon waxa uu dalka kasoo qabtay jagooyin kala duwan oo ay kamidyihiin:

1. Waxa uu la taliye u noqday hay’ado si gaar ah loo leeyahay kadib markii September 12 la xiray dhammaan xisbiyadii dalkaas
2. Xisbiga Walfare ayuu u noqday madaxa degmada Beyoglu sanadkii 1984kii, sanadkii ku xigayna waxa uu noqday madaxa xisbigaas ee magaalada Istambul.
3. Sanadkii 1994kii waxa uu ku guuleystay in uu noqdo duqa magaalada Istambul. Waqtigii uu xilkaasi hayay waxa uu xaliyay dhibaatooyin badan oo ay qabeen dadka magaaladaas, waxa uuna kasbaday shacabka magaalada Istambul.

Sanadkii 1999, Recep T. Erdogan waxaa lagu xakumay xabsi 4 bilood ah kadib markii uu aqriyay gabay u cuntami-waayay maamulkii waqtigaas jiray.
Waxaana laga mamnuucay in uu xubin ka noqdo axsaabta dalkaas.

RAISUL WASAARAHA DALKA TURKIGA

Markii uu xabsiga kasoo baxay in muddo ah ayuu siyaasadda ka fadhiyay. 
Sanadkii 2001 ayuu aasaasay Xisbiga Horumarka & Cadaaladda kadib markii uu taageero badan ka helay shacabka Turkiga. Isla sanadkaasba Xisbiga waxa uu ku guuleystay 2/3 kuraasta baarlamaanka.

Sanadkii 2003 Erdogan waxa uu isku-soo sharaxay xilka RaisulWasaarenimo ee dalkaas, waana ku guuleystay xilkaas. Mudadii uu raisulwasaaraha ahaa waxa uu ku guuleystay in uu dhallinyarada iyo haweenka kasoo qeybgeliyo siyaasadda. Waxa uu kasbaday shacabka dalkaas.

Sanadkii 2007 ayuu mar 2’aad u tartamay isla xilka raisulwasaarenimo. Mar labaad ayuu ku guuleystay in uu noqday RaisulWasaaraha dalkaas isaga oo helay 46.6% codadka doorashada. 
Erdogan waxa uu noqday raisul wasaarahii looga jaceylka badnaa ee dalkaas soo mara.

Sanadkii 2011, mar 3’aad ayuu Erdogan ku guuleystay isla xilka Raisul Wasaarenimo ee dalkaas 49% codadka dooorashada ayuu heley, waxuuna soo dhisay xukuumaddii 61’aad ee dalka Turkiga.

MADAXWEYNAHA DALKA TURKIGA

Recep Tayyib Erdogan waxa uu sadex waqti oo is-xig-xiga noqday Raisul Wasaaraha Dalka Turkiga. 
Bishii August, 10, 2014 waxa uu noqday Madaxweynahii 12’aad ee Dalka Turkiga.

WAX-QABADKII & GUULAHII ERDOGAN

1. Dhaqaalaha dalka Turkiga waxa u kobcay 274% inta u dhaxeysay 2002 illaa iyo 2016 oo uu dalka madaxda ka ahaa Erdogan.
2. Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada dalkaas waxa uu geeyay 34 bilyan oo Lira, halka marka uu xilka qabanayay ay aheyd 7.5 bilyan oo Lira.
3. Waxa uu sare u qaaday tayada waxbarashada iyo caafimaadka ee dalkaas. Waxa uu bilaabay mashruuc caafimaad oo bilaash ah oo ay ka faaideystaan dadka dhaqaalaha liita.
4. Ganacsiga, maalgashiga gudaha iyo midka dibadda ah ee dalka Turkiga waxa uu ku socdaa xawaare sarreeya oo mid lamid ah aanu weli dalkaasi arag.
5. Colaad ku dhawaad 50 sano socotay oo 40,000 qof ay ku geeriyoodeen oo Kurdida & Turkida kale kala dhaxeysay ayuu soo gabogabeeyay. Luqada Kurdiyiinta ayuu ku daray luqooyinka rasmiga ah si ay usoo dhawaadaan.
6. Intii uu xilka haayay garoomada diyaaradaha ee ku yaala Turkiga waxa ay gaareen 50 garoon halka markii hore ay ahaayeen 26 garoon.
7. Erdogan waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Waxtarka Bulshada ee Bisha Cas
8. Erdogan waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Golden Plate ee uu bixiyo Academy of Achievement 
9. Erdogan waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Agricola Medel oo ay bixiso hay’adda FAO
10. Erdogan waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Boqof Feysal Oo Ah Abaalmarinta ugu qaalisan Caalamka Islaamka
11. Erdogan waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta HABITAT ee ay bixiso Qaramada MIdoobeey
12. Erdogan waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta World No Tobacco ee ay bixiso WHO
13. Erdogan waxa uu shahaado sharaf ka helay jaamacado badan oo ay kamidyihiin Jaamacadda St. John's, Jaamacadda Sarajevo, Jaamacadda Istanbul, Jaamacadda Pristina, Jaamacadda Moscow State, Jaamacadda Algiers iyo Jaamcadda İnönü. 
14. Marka waxaas oo dhan laga soo tago waa hogaamiye Muslim ah oo ku faana Muslimnimadiisa.

Comments

Popular Posts