SHEEKH AHMED DEEDAT


YARAANTII & BILAWGII SAFARKA

Ahmed Deedat waxa uu ku dhashay magaalada Surat ee dalka Hindiya sanadkii 1918-kii. Sagaal sano kadib Ahmed Deedat waxa uu usoo wareegay dalka Koofur Afrika oo uu aabahiis joogay, isla sanadkaasna waxaa geeriyootay hooyadiis oo ku sugneyd dalka Hindiya. Sheekh Deedat oo aan helin waxbarashadii aasaasiga aheyd, welina daruufaha ay dib u xajinayaan ayaa bilaabay iskuul ku yaala magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika. Markii uu gaaray fasalka 6'aad waxa uu ka haray iskuulkii kadib markii uu awoodi waayay qarashkii waxbarashada. Isaga oo 16 jir ah ayuu bilaabay in uu ka shaqeeyo dukaan lagu iibiyo miisaska, kuraasta iyo qalab xafiiseedka.

Waxaa meel dukaanka uu ka shaqeyo kasoo horjeeda tababar iyo daruus ka bixin jiray culumo masiixiyiin ah oo diinta Kirishtanka faafiya. Waqtigaas waxa uu ahaa waqti diin faafiyayaasha Kirishtanka ay aad uga kalluumeysan jireen Muslimiinta aan diinta Islaamka aqoonta badan u laheyn. Ahmed Deedat waxa uu dhowr mar tagay goobta tababarada iyo siminaarada ay ka socdeen, waxa uu u kuurgalay xaaladda dadka Muslimiinta ah ee waqtigaas, waxaa qalbigiisa taabtay hagar-daamada Muslimiinta lagu hayo iyo sida ay u dareen la'yihiin.

Wiilkii yaraa ee awoodi waayay in uu dugsiga hoose dhameysto lacag la’aan awgeed waxaa ku dhashay feker weyn oo ah badbaadin ummad iyo jiil Islaam ah. Waxa uu bilaabay in uu ka qeyb-galo muxaadaraadkii masiixiyiinta, waxa uuna weydiin jiray suaalo adag oo xujooyin cadcad wata. Ma laheyn aqoon diinta Islaamka ah, kaliya caqligiisa ayuu kula xujeytami jiray. Markii dambe waxa uu gaaray in laga celiyo albaabka goobaha siminaarada si uusan suaalo adag u weydiin culumada kirishtanka ah ee Muslimiinta kale diintooda u aqrinaya.

BILAWGII SAFARKA

Waxa uu go’aan ku gaaray in uu doorkiisa muujiyo, waxa uu go’aan ku gaaray in uu fashiliyo beenta ay sheegayaan baadariyaasha kirishtanka ah ee balaayiinta doollar lagu maalgeliyo bil-walba sidii ay u faafin lahaayeen diinta Kirishtanka. Waa go’aan adag oo ka yimid wiil yar oo aan waxba haysan oo waxbarashadii ka haray lacag awgeed, aabahiisna uu yahay harqaanle weliba wadan kale jooga.

Mahaysan lacag uu ku dhigto Jaamacadaha iyo Iskulada waaweyn ee Islaamiga ah. Balse rabitaanka qalbigiisa ku jiray ayaa weynaa. Waxa uu bilaabay in uu aqristo buugaagta iyo kutubta diiniga ah si uu naftiisa wax u baro.

Buug cinwaankiisa uu yahay “Id-haarul Xaq (The Truth Revealed)” oo uu qoray Rahmatullah Kairanawi ayaa gacantiisa soo galay. Waa buuggii taabtay qalbiga Ahmed Deedat ee hurdada ka kiciyay, waa buuggii ku baraarujiyay in uu kaco oo uu bilaabo ficil dhab ah.

Waxa uu bilaabay in uu si qoto-dheer u aqriyo kutubta diiniga ah ee luqadda Englishka ku qoran, maadaama luqaddaas uu si fiican u yaqaanay. Mahaysan lacag uu madaraso/dugsi ku tago hase-yeeshee arrintaasi maysan caajis gelin.

Tarjumaadda Quraanka ayuu dusha ka bartay. Saxiix Bukhaari, Muslim & kutubta kale ee Axaadiista ayuu daraaseeyay. Markii uu intaasi si fiican u daraaseeyay ayuu kitaabka Bible-ka usoo jeestay, waxa uuna u bartay in uu kula dagaalamo kitaabkooda.

Muxaadaradii ugu horreysay ee uu qabtay waxa uu qabtay sanadkii 1942’kii. Muddo kooban kadibba waxa uu noqday nin ay ka dhuuntaan Culumada faafisa diinta Kirishtaanka ee magaalada Durban oo aheyd xarun ay aad ugu xooganaayeen.

Sanadkii 1957’kii waxa uu aasaasay Islamic Propagation Center International (IPCI) oo aheyd/ah hay’ad weyn oo ka shaqeysa faafinta diinta Islaamka. Waxayna si bilaash ah ay hay’addiisa u bixin jirtay kutubta diiniga ah guud ahaan, gaar ahaan kuwa isbarbar-dhigga diimaha ku-saabsan.

SAFARADII IYO DOODAHII

Wixii ka dambeeyay 1980’kii Sheekh Ahmed Deedat waxa uu bilaabay in uu u safro qaaradaha Yurub, Ameerika, Afrika, Aasiya iyo Australia si uu dood diimeedyo ula yeesho culama diimeedyada ugu miisaanka culus diimaha kale.

Intii u dhaxeysay 1985-1995’kii Sheekh Ahmed Deedat waxa uu u safray sidoo kalena doodo kula yeeshay Culumo looga dambeeyo diimaha Kirishtanka iyo Judaism-ka dalal ay kamidyihiin USA, Britain, Pakistan, India, Sweden, Sacuudi Carabiya, Masar, UAE, Denmark. Maldives, Canada, Australia iyo wadamo kale.

Muxaadaraadkii iyo doodahii Sheekh Ahmed Deedat illaa iyo hadda waxaa laga daawadaa muuqbaahiyeyaal caalmi ah, waxaana weli laga heli karaa barta muuqaalada lagu keydiyo ee YouTube-ka.

Dadkii uu doodaha la galay waxaa kamid ah Jimmy Swaggart, Josh McDowell, Anis Shorrosh iyo Robert Douglas oo kamid ahaa dadkii looga dambeeyay faafinta diinta Kirishtanka, waxa uuna u dhigay cashar lama iloobaan ah oo illaa iyo maanta ay xasuustaan dadka Muslimiinta ah iyo Culumada faafiya diimaha kaleba.

ABAALMARINTA BOQOR FEYSAL

Sanadkii 1986’kii waxaa uu ku guuleystay abaal marinta caalamiga ah ee boqor Feysal. Waxa uuna abaal-marintaasi ku muteystay faafinta, fidinta iyo difaacidda diinta Islaamka. Abaal marintaas waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay abaal-marinta ugu qiimaha badan caalamka Islaamka.

Buugaagtii uu qoray Sheekh Ahmed Deedat oo lagu qiyaaso in ay ka badanyihiin 20-buug ayaa illaa iyo maanta laga heli karaa maktabadaha caalamka. Waxaana (marka laga soo tago muxaadaraadkiisa) buugaagtiisa ku soo Islaamay dad aad u tiro-badan.

GEERIDII SHEEKH AHMED DEEDAT

Wadankii ugu dambeeyay ee Sheekh Ahmed Deedat uu u aado meel ka baxsan Koofur Afrika oo ahaa hoygiisa waxa uu ahaa safar uu ku tagay dalka Australia sanadkii 1996’kii. Markii uu kasoo laabtay safarkaasba waxaa haleelay cudur loo yaqaan ‘Stroke’ oo maskaxda ku dhaca, cudurkaas ayaa sababay in Sheekh Ahmed Deedat uu dhaqaajin waayo jirkiisa, waxa uu kusoo aruuray sariirta. Xataa waxa uu awoodi waayay inuu hadlo.

Dalka Sacuudiga ayaa loo qaaday si loogu daweeyo, hase-ahaatee dhaqaatiirtii waxa ay sheegeen in xaaladdiisa ay aad u darantahay, 10 maalin kabadanna uusan sii noolaan doonin.

Muddo 9 sano ah ayuu sidaas u xanuunsanaa, ma awoodin in uu socdo, hadlo ama fadhiisto. Waxaas oo caqabad ah umeysan diidin in uu diinta dadka baro mudada 9’ka sano ah ee uu xanuun`sanaa. Waxaa Sheekh Deedat uu ardaydiisa iyo qoyskiisa kula hadli jiray indhaha!!!

Darbiga qolka uu jiifo ayaa Sheekha looga dhajiyay boor ay qoranyihiin dhammaan xarfaha (Alif-beetada) luqadda English-ka, waxaana boorkaas ku xernaa qalab aqrinaya xarfaha uu indhaha ku fiiriyo Sheekha, sidaas ayuuna muddo 9 sano ah ula xiriirayay reerkiisa iyo ardaydiisa oo uu kamid ahaa Dr. Zakir Naik.

8-dii bishii August ee sanadkii 2005 ayuu geeriyooday Sheekh Ahmed Hussein Deedat, kadib markii uu 9 sano xanuunsanaa. Ilaahey ha u naxariisto, qabrigiisana ha u waasiciyo Sheekh Ahmed Deedat.

WAX-YAALAHA LAGU XASUUSTO

1. Weligiis dood diimeed malooga adkaan.
2. Mudadii uu waday dacwada, oo ku dhaweyd 50 sano, Pope Frances Koofur Afrika ma iman.
3. Sanad ka dib dhimashadii Sheekh Ahmed Deedat ayuu Pope Frances yimaaday dalka Koofur Afrika.
4. Pope Frances ayuu marar badan ka codsaday in uu dood diimeed la yeesho, haseyeeshee Pope Frances waa ka cudur-daaran jiray. Hal mar ayuu ogolaaday balse Pope Frances waqtigii ballanta markii la gaaray cudur-daartay.
5. Mar walba oo Nelson Mandela uu tago wadan kale Sheekh Ahmed Deedat ayaa ahaa shaqsiga ugu badan ee Nelson Mandela wax laga weydiiyo arimahiisa iyo sida uu ahaa.
6. 10 sano ayuu xanuunsanaa, ma awoodin in uu hadlo ama fariisto, hadane diinta ayuu dad bari jiray.

Comments

Popular Posts