Dr. Zakir Naik


YARAANTII & BILAWGII SAFARKA

Dr Zakir Abdulkariim Naik waxa uu ku dhashay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya sanadkii 1965kii. Markii uu dhameestay waxbarashadii aasaasiga aheyd waxa uu ku biiray Topiwala National Medical College, kadibna Jaamacadda Mumbai ayuu ku biiray. Waxa uu bartay Cimliga Caafimaadka & Qalliinka.

Dr. Zakir aabahiis iyo walaalkiis ka weynba waa dhaqaatiir caafimaad. dhammaantoodna waxa ay u go’een in fidinta & faafinta Diinta Islaamka. Inta uusan bilaabin doodaha iyo muxaadaraadka diiniga ah waxa uu ahaan jiray wiil shigshiga oo aan hadalka isku toosin karin. Intii uu yaraa marna kuma fekerin inuu dad ka hor hadli karo, balse mucjisada uu arkay ayaa aheyd mar walba oo uu diinta Islaamka ka hadlo ama muxaadareynayo waxaa ka tagi jiray shigshigga!

LA KULANKII SH. AHMED DEEDAT

Sanadkii 1987kii ayuu Zakir Naik markii ugu horreysay la kulmay Sheekh Ahmed Deedat oo ah ninka saameynta ugu weyn ku yeeshay noloshiisa. Waxa uuna horay u daawan jiray muxaadaraadka iyo doodadaha uu la yeeshay culimada diimaha kale.

Waqtigaas wixii ka horreeyay Zakir Naik waxa uu ahaa qof Muslim ah oo iska caadi ah, balse markii uu la kulmay Sheekh Ahmed Deedat ayuu go’aansaday in uu u istaago diinta Islaamka. Waqtigaana waxa uu ahaa arday jaamacadeed.

Markii uu dhameeyay jaamacadda waxa uu bilaabay in uu ku shaqeysto xirfaddiisii dhaqtarnimo, haseyeeshee kama harin inuu daraaseeyo diinta Islaamka iyo Diimaha kaleba.

ZAKIR NAIK & HOOYADIIS

Dr. Zakir Naik hooyadiis marwalba waxa ay jecleyd in wiilkeeda uu noqdo dhaqtarka qalliinka wadnaha ee ugu fiican dunida. Waxaana mar walba ay tusaale ugu soo qaadan jirtay Dr. Chris Barnard oo ahaa dhaqtarkii ugu horreeyay ee wadno qof u badala. isagana waa ay ka go’neyd inuu xaqiijiyo riyadaas. Hase-yeeshee Zakir Naik waxa uu dareemayay in qalbigiisa uu sii jeclaanayo faafinta diinta Islaamka iyo howlaha dacwada.

Markii Zakir Naik uu bilaabay muxaadaraadka iyo howlaha dacwada ayuu hooyadiis maalin weydiiyay “Hooyo, midkeed jeceshahay in aan noqdo Sheekh Ahmed Deedat & Dr. Chris Barnard?” Hooyadiis ayaa ku jawaabtay “Labadaba!”

Dhowr sano markii ay kasoo wareegatay oo ay aragtay sida Zakir Naik ay umadda Islaamka ugu baahantahay ayuu maalin kale weydiiyay isla suaashii, waxeyna ku jawaabtay “1,000 Dr. Chris Barnard makaaga doorsanaayi hadii aad noqoneyso 1 Sheekh Ahmed Deedat!”

Dr. Zakir Naik inta uusan si buuxda ugu soo go’in dacwada, waxa uu xirfaddiisa dhaqtarnimo u joojiyay si tartiib-tartiib ah. Waxa uuna marwalba kala tashan jiray talaabooyinka noloshiisa labadiisa waalid. Markii ugu dambeysayna waxa ay isku raaceen in 100% uu adeego Diinta Islaamka.

BILAWGII DACWADA

Sanadkii 1992kii ayuu Dr Zakir Naik jeediyay khudbadii ugu horreysay ee uu meel fagaaro ah ka jeediyo, waxaana cinwaankeedu uu ahaa ‘Is Quran God’s Word? | Quraanka Ma Hadalkii Eebbaa?’. Dhowr mar oo kala duwan ayuu muxaadaro cinwaankaas ku saabsan soo jeediyay, dad aad u fara badan ayaana kusoo islaamay, kadib markii uu si cilmiyeysan u qeexay in Quraanka uu yahay hadalkii Eebbe.

Sanadkii 1991kii ayuu asaasay hay’adda Islamic Research Foundation, isaga iyo hay’addiisaba waxa ay door weyn ka ciyaareen soo celinta sumacadda Islaamka iyo baabi’inta afkaarta qaldan ee dadka aan islaamka aheyn ay ka haystaan diinta Islaamka.

Sanadkii 2006 ayuu Dr. Zakir Naik xariga ka jaray taleefishinka caanka ah ee Peace TV, waxaana laga daawadaa in ka badan 200 oo wadan. Waxaana maalin walba daawada dadweyne gaaraya 200,000,000 (laba boqol oo million) oo qof.

Sanad walba Taleefishinka Peace TV waxa uu noqdaa taleefishinka looga daawashada badanyahay dunida ee dhanka diimaha. Dr. Zakir Naik’na waxaa loo tixgeliyaa inuu kamid yahay culimada ugu taageerada badan dunida, waxaana muxaadaraadkiisa soo xaadira dad aan Islaam aheyn. Sidaa darteed reer galbeedka iyo dadka Hinduuga ah ma jecla oo mar walba waxa ay isku dayaan in ay ka been abuuraan oo ay shirqoolaan.

Muxaadaraadka Dr. Zakir Naik waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan 3,000 illaa iyo 4,000.

CASUUMAADDII MAREYKANKA

Dr. William Campbell oo ahaa dhaqtar (PhD) caafimaad oo kirishtan ah ayaa waxa uu qoray buug uu ku leeyahay Quraanka waxaa ku jira 30 aayadood oo cilmi ahaan aan sax aheyn. Muddo badan ayaa diktoorkaas cid u jawaabto la waayay. Buuggiisana waxa uu noqday bestseller!

Arday wax-ka-baraneysay Jaamacadii uu diktoorkaas dhigayay ayaa ku casuumay Dr. Zakir Naik dalka Mareykanka si uu ugu jawaabo diktoorkaas. Waxaana labada diktoor ay ku ballameen in ay qabtaan dood weyn oo ay kasoo qeybgalaan dadweyne aad u fara badan.

Bishii April ee sanadkii 2000 ayaa Dr. Zakir & Dr. Campbell dood culus ku dhexmartay hool weyn oo ku yaalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka. Dr. Zakir Naik waxa uu si waafi ah ugu jawaabay 30kii qaladaad ee buugga ku qornaa. Dooddiina waxa ay kusoo dhammaatay Dr. Campbell oo qirtay in uu qaldanaa iyo Dr. Zakir oo dhankiisana soo bandhigay in ka badan 38 aayadood oo cilmiga seyniska ah ka hor imaanaya kuna yaalla kitaabka Baaybalka ah, hase-ahaatee Dr. Campbell ayaa qirtay in uusan ka jawaabi karin xujjooyinka Dr. Zakir Naik.

SAFARADA

Dr. Zakir Naik waxa uu u safray muxaadarooyin iyo dood diimeedyo kaga qeybgalay wadamo fara-badan oo ay kamid yihiin Mareykanka., Canada, U.K., Saudi Arabia, U.A.E., Kuwait, Singapore, Hong Kong, Thailand, Guyana (South America), Qatar, Bahrain, Wales, South Africa, Mauritius, Australia, Malaysia, Ghana, Nigeria, Gambia iyo Japan.

MAXAA LOO BEEGSADAA?

Warbaahinta/Wadamada reer galbeedka & culimada diimaha kale ayaa Dr. Zakir Naik u arka in uu ku yahay qatar weyn maadaamaa uu leeyahay taleefishinka loogu daawashada badanyahay dunida ee dhanka diimaha ah. Waxaana maalin walba qaaradaha dunida ka daawada dad lagu qiyaasay 200,000,000. Waxaa intaa sii dheer:

1. Waa qofka ugu shacbiyadda badan culimada diimaha oo dhan, ha ahaado Muslim ama diin kale ha haysto

2. Waxaa muxaadaraadkiisa qaar si toos ah u dhageysta oo 
goobta muxaadarada yimaada 1-million oo qof

3. Waa sheekha culimada diimaha oo dhan ugu shacbiyadda badan marka la fiiriyo dadka ku xeran barahooda bulshada. Tusaale: bartiisa Facebook waxaa ku xeran in kabadan 15,000,000 oo qof, halka wadaadka ku xiga oo aan Muslim aheynna uu leeyahay ku dhawaad 7,000,000

4. Muxaadaraadkiisa waxaa ku soo islaamay dad aad u tira badan, mar walba uu muxaadaro qabtana waxaa uu qabtaan xiso suaal weydiin ah. Waxaana uu fursad siiyaa dadka aan Muslimka aheyn.

5. Waxa uu ku guuleystay Abaal Marinta Ugu Qaalisan Dunida Islaamka oo ah Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Boqor Feysal sanadkii 2015, halka sanadkii 2013 uu ku guuleystay Abaalmarinta Quraanka Kariimka Ah Ee Dubai.

6. Waxyaalaha lagu xasuusto waxaa kamid ah in uu 14 wasiir hal maalin la kulmay. Waxaa kale oo lagu xasuustaa in uu warqad casuumaad ah ka helay madaxweyne wadan oo uusan isaga aqoon u laheyn.

7. Waxa dusha ka xifdisanyahay Quraank, Kutubta Axaadiista Saxiixa Ah, Kitaabka Bible-ka (Old & New), Kutubta Diimaha Hinduismka & Chinismka. Waxa uuna la doodaa culimada diimaha kale.

7. Muslimiinta dalka India waxaa lagu qiyaasaa 20%, guud ahaan dadka India waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 1 Bollion. Dr Zakir Naik sanad walba waxaa lagu soo daraa liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan dalka India.

Wadamada & Warbaahinta reer galbeedka ah ma jecla hormarka iyo faafinta diinta ee uu Dr. Zakir ku howlan yahay, waxaana ay marwalba isku dayaan in ay carqaladeeyaan howlahiisa iyo sumcaddiisaba. Waxa uu si cad u sheegaa in diinta Islaamka aanay ogoleyn in qof xaq-darro lagu dilo, diinta uu rababa ha haystee.

Comments

Popular Posts