Skip to main content

Posts

Featured

Jack Ma

YARAANTII & BILAWGII SAFARKA Jack Ma waxa uu ku dhashay magaalada Hangzhou ee dalka Shiinaha sanadkii 1964’kii. Waxaa dhalay hooyo iyo aabo xirfad faneed lahaa oo aan hanti badan dunidan ka sameyn. Jack Ma markii uu yaraa waxa uu aad u jeclaa inuu barto Luuqadda English-ka. Mar walbana waxaa uu ku dadaali jiray sidii uu ku baran lahaa. Intii uu waxbarashada aasaasiga ah ku jiray iyo marka uu dugsiga sare dhameeyayba waxa uu tagi jiray hoteel u dhaw halkii uu daganaa oo ay dad ajaanib ah imaan jireen si uu heerka English-kiisa uu u hormariyo. Markii dambe waxa uu bilaabay inuu hago dadka ajaanibta ah ee dalxiiska u iman jiray magaalada Hangzhou. 10 MAR AYEY HARVARD UNIVERSIRY DIIDAY! Jack Ma markii uu dugsiga sare dhameeyay ee uu luuqada English-ka bartay waxuu 10 jeer codsaday inuu arday ka noqdo Jaamacadda Harvard balse 10’kii marba waa ay soo diiday codsigiisii. Markii ugu horreysay ee shirkadda KFC ay xarun ka furatay dalka Shiinaha Jack Ma waxuu kamid a

Latest Posts

Tun Mahathir Mohammad

Dr. A.P.J. Abdul Kalam

Cat Stevens - Yusuf Islam

Dr. Zakir Naik

Recep Tayyib Erdogan

SHEEKH AHMED DEEDAT